HomeWararDeni “Golaha Wadatashiga maaha dalad Dastuuri ah oo Go’aan ka gaari karta...

Deni “Golaha Wadatashiga maaha dalad Dastuuri ah oo Go’aan ka gaari karta masiirka dalka”

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Dowlad gobileedka Puntland, Saciid  Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday Masuuliyiinta Golaha wadatashiga Qaran, oo ka kooban dowladda dhexe, dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaaka kalfadhiga 53-aad ee golaha wakiilada maamulkaas ayaa ka hadlay sidoo kale arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad gobileedka Puntland, Saciid  Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday Masuuliyiinta Golaha wadatashiga Qaran, oo ka kooban dowladda dhexe, dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaaka kalfadhiga 53-aad ee golaha wakiilada maamulkaas ayaa ka hadlay sidoo kale arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

- Advertisement -

Deni ayaa hadalkiisa inta badan eedo culus u jeediyay Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana uu sheegay in Golahan uusan kalgiis ah go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama waddanku yahay mid federaal ah oo leh hay’ado kala duwan leh

“Madaxda Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato” ayuu yiri Siciid Deni.

Waxaa uu  intaas ku daray in nasiib darro weyn ay tahay in xukuumadda hadda xilka haysa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay in si bareer ah uga leexatay hannaankii federaalka ee dalka, ayna meesha ka saartay dastuurka lagu heshiiyay.

- Advertisement -

Hadalka Deni ayaa imaanaya iyadoo khilaafka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo maaamulka Puntland uu marba marka ka dambeysa uu circa isku sii shareerayay, waxaana Madaxweynaha Maamulkaasi uusan muddooyinkii dambe kasoo qayb galin shirka Golaha wadatashiga Qaran.

Latest stories