HomeWararPuntland oo Digniin Cusub kasoo saartay Roobab iyo dabeylo xoogan oo ku...

Puntland oo Digniin Cusub kasoo saartay Roobab iyo dabeylo xoogan oo ku wajahan

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin cusub oo ku socota dadka degan xeebaha deegaannada Maamulka, waxaana lagu wargeliyay in Roobab dabaylo wata ay kusoo Food leeyihiin saacadaha soo socda ama maalmaha soo socda xeebaha Puntland. War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, ayaa lagu sheegay inay jiraan roobab iyo […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin cusub oo ku socota dadka degan xeebaha deegaannada Maamulka, waxaana lagu wargeliyay in Roobab dabaylo wata ay kusoo Food leeyihiin saacadaha soo socda ama maalmaha soo socda xeebaha Puntland.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, ayaa lagu sheegay inay jiraan roobab iyo dabaylo xoogan oo loo yaqaano ‘Tropical cyclone 05A’ kuwaas oo ay suuragal tahay inay gaaraan xeebaha Puntland.

- Advertisement -

 “Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, waxay ku wargelinaysaa  Bulshada reer Puntland ee degan deegaanada xeebaha in ay jiraan roobab iyo dabaylo xoogan  oo Loo yaqaano ‘Tropical cyclone 05A’ kuwaas oo ay suuragal tahay in ay soo gaadhaan xeebaha  Puntland saacadaha iyo maalmahan soo socda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Wasaaradda ayaa Bulshada reer Puntland ee dega dhulka xeebaha ku wargelisay, isla markaana fartay dhammaan bulshada xeebaha in aysan gelin,  kana fogaadaan Badda laga bilaabo 22-25/10/2023.

Sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa waxay bulshada xeebaha ku nool ku baraarujisay in ay is gaarsiiyaan khatarta, ayna muujiyaan digtooni iyo taxader dheeriya.

Latest stories