HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax Is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay Duleedka...

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax Is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay Duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo Aroornimadii hore ee saaka oo sabti ah lagu weeraray Saldhig ciidanka Boolis Milataaro ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo Aroornimadii hore ee saaka oo sabti ah lagu weeraray Saldhig ciidanka Boolis Milataaro ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay kusoo warrameen qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan oo sheegay in saaka ay kusoo tooseen jugTa qarax aad u weyn oo deegaanka ka dhacay.

- Advertisement -

Ciidanka ku sugnaa saldhiga la weeraray ayaa laga soo xigtay in gaariga inta uusan qarxin ay rasaas farabadan ku fureen, balse markii dambe uu ku qarxay afaafka hore ee saldhiga Ciidanka Boolis Milataaro ay ku leeyihiin Ceelasha Biyaha.

Dad isugu jira Askar iyo shacab ayaa ku dhintay qaraxa, dhowr qof kalena way ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii gaadiidka gurmadka deg dega ah ay ula carareen isbitaalada ku yaalla Muqdisho, sidoo kalena qaraxa ayaa geystay burbur baaxad leh, sida ay muujinayaan sawiro goobta laga soo qaaday.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka magaalada Muqdisho iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Latest stories