HomeWararAskar dilal geysatay oo saaka Dil toogasho ah lagula fuliyay Baydhabo

Askar dilal geysatay oo saaka Dil toogasho ah lagula fuliyay Baydhabo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maxkamadda ciidamada Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd ee ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Booliska ee Maamulkaasi, kuwaasi oo horey dilal u geystay. Fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa lagu toogtay saddex Askari oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka […]

- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd ee ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Booliska ee Maamulkaasi, kuwaasi oo horey dilal u geystay.

Fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa lagu toogtay saddex Askari oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsan Militaryga.

- Advertisement -

Sidoo kale xukunka dilka toogashada ayaa isna lagu fuliyay Cabdullaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Booliska Koonfur Galbeed ka tirsan, kadib markii Askartan dhammaantood ay hore Maxkamadda ciidamada ay xukun dil toogasho ah  ku riday.

Labada Askari hore ayaa Beerta Qurun Jiis oo DegaanDug Baydhabo ku taal ku dhex Dilay marxuum lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.

Cabdullaahi ayaa isna lagu helay inuu Dilay Isgoowe Maxmed Aadan June sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa Farmashiiste isku diyaarinayay Guri gal laakiin u dhintay ka doodidda  xabad kor loogu riday.

Latest stories