HomeCaalamkaGargaarka ku socda Gaza oo weli xayiran & RW UK oo kusii...

Gargaarka ku socda Gaza oo weli xayiran & RW UK oo kusii jeeda Masar

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul wasaaraha Dalka Ingiriiska Britain Rishi Sunak ayaa maanta u safraya Dalka Masar si uu wadahadallo ku saabsan xaaladda Israa’iil iyo Gaza ula yeesho madaxcda dalkaasi. Sunak ayaa la filayaa in madaxda Masar uu la soo qaado muhiimada ah in laga fogaado xiisadda gobolka iyo ka hortagga khasaaraha aan loo baahnayn ee mar kasta gaara […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Dalka Ingiriiska Britain Rishi Sunak ayaa maanta u safraya Dalka Masar si uu wadahadallo ku saabsan xaaladda Israa’iil iyo Gaza ula yeesho madaxcda dalkaasi.

Sunak ayaa la filayaa in madaxda Masar uu la soo qaado muhiimada ah in laga fogaado xiisadda gobolka iyo ka hortagga khasaaraha aan loo baahnayn ee mar kasta gaara nolosha  dadka rayidka ah.

- Advertisement -

Khamiistii R/Wasaaha Ingiriiska wuxuu la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan, wuxuuna ku booriyay Sacuudi Carabiya inay gacan ka geysatay taageerada xasilloonida Bariga Dhexe.

Dhinaca kale gawaarida sida sahayda gaargaarka ayaa weli ku sugan marinka Rafac ee xadka Masar iyo Koonfurta Gaza ,iyadoo laga cabsi qabo duqeymanka Israa;iil oo weli socda.

Mohsen Sarhan, oo ah madaxa fulinta ee bangiga cunnada Masar, ayaa BBC u sheegay in gaarsiinta gargaarka ay caqabad noqon karto haddii ay sii socdaan duqeymaha xooggan ee ka dhacaya agagaarka Rafah.

- Advertisement -

“Waxa naga hor istaagaya inaan galno waa duqeymaha ciidamada Israel. Waxaan hadda joognaa xuduudka siddeed maalmood, bambooyinkana waa ay soo dhacayaan daqiiqad kasta,” ayuu yiri.

Latest stories