HomeWararMadaxdii hore iyo siyaasiyiin oo Digniin Culus soo saaray (Akhriso War-saxaafadeed)

Madaxdii hore iyo siyaasiyiin oo Digniin Culus soo saaray (Akhriso War-saxaafadeed)

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

War murtiyeed ay wadajir u soo saareen Mas’uuliyiin hore oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore, Guddoomiyeyaashi hore Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayay kaga soo horjeesteen in go’aankii siyaasiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay bulshada Soomaaliyeed. Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa waxaa ay nasiib darro ku tilmaameen in Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan […]

- Advertisement -

War murtiyeed ay wadajir u soo saareen Mas’uuliyiin hore oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore, Guddoomiyeyaashi hore Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayay kaga soo horjeesteen in go’aankii siyaasiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa waxaa ay nasiib darro ku tilmaameen in Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shacabka ku wargeliyeen in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo tallo ana loo dhameyn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan.

Intaas ayey kusii dareen in suurta gal aheyn in dalka uu yeesho nidaamka Madaxtooyada ee Madaxweyne, iyo Madaxweyne kuxigeen iyo labo xisbi oo kaliya, iyagoo caddeeyay in Madaxweynuhu ka baxay balanqaadkii Shirkii Decale ee 11-12 July 2023.

Latest stories