HomeWararDowladda Somalia oo Maamul KMG ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo

Dowladda Somalia oo Maamul KMG ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday inay maamul kumeel gaar ah u aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyaha ka yahay Cabduqaadir Axmed Ow-Cali Firdhiye. Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay maamul kumeel ah oo madaxbanaan ay u aqoonsatay SSC-Khaatumo. Waxa […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday inay maamul kumeel gaar ah u aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyaha ka yahay Cabduqaadir Axmed Ow-Cali Firdhiye.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay maamul kumeel ah oo madaxbanaan ay u aqoonsatay SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay Wasiir Fiqi in Xukuumadda ay mar kasta ku baaqeyso, ayna gacan ka geysaneyso dadaal kasta oo nabad iyo xasillooni kusoo dabaalaya deegaanka, isla markaana wixii khilaaf ah ee jira lagu xalinayo wada-hadal iyo nabad.

Dhinaca kale hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatum Cabduqaadir Axmed Ow-Cali Firdhiye oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha uga mahadceliyay aqoonsiga SSC-Khaatumo.

Dadka deegaanka gobolka Sool ayaa dagaal adag ay la galeen maamulka Somaliland kaga saaray magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale, waxa ayna dhisteen maamul madax bannaan oo ula baxeen SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka 

Latest stories