HomeWararCiidanka ATMIS oo Saldhig ay kaga sugnaayeen Shabeellaha Dhexe faarujiyey

Ciidanka ATMIS oo Saldhig ay kaga sugnaayeen Shabeellaha Dhexe faarujiyey

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ee ku sugnaa saldhigii ay ku lahaayeen degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faarujiyay saldhigaasi, iyaga oo ku wareejiyay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee jooga Raaga-ceelle. Munaasabad ka dhacday gudaha saldhiga ayaa saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Burundi ku wareejiyeen ciidanka xoogga saldhiga, waxaana […]

- Advertisement -

Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ee ku sugnaa saldhigii ay ku lahaayeen degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faarujiyay saldhigaasi, iyaga oo ku wareejiyay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee jooga Raaga-ceelle.

Munaasabad ka dhacday gudaha saldhiga ayaa saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Burundi ku wareejiyeen ciidanka xoogga saldhiga, waxaana Munaasabadda goobjoog ka ahaa saraakiil ciidan iyo maamulka degmada Raaga-ceelle.

- Advertisement -

War Qoraal ah oo ay soo saareen ATMIS ayay ku sheegeen in Xil wareejintan ay qeyb ka tahay dib u habeynta ciidamada oo ay sameynayaan howlgalka ATMIS iyo DFS, si ay u xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Hirshabeelle.

Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee baneeyay saldhiga Raaga-ceelle ayaa hadda loo wareejin doonaa deegaano kale, si kor loogu qaado amniga, iyadoo la eegayo hakad galinta bixitaanka ciidamada ATMIS mudada 3 bilood ah oo ay DFS codsatay.

Dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in muddo la hakiyo heshiiskii bixitaan ka ciidanka ATMIS oo meelaha qaar ka baxay bilihii lasoo dhaafay, taas ayaa keentay in ciidamada qaar loo raro saldhigyo kale, waxaana lagu bilaabay kuwii joogay Raaga-ceelle.

Latest stories