HomeWararSIMHA iyo Save the Children oo 40 Wariye tababar uga furtay Muqdisho...

SIMHA iyo Save the Children oo 40 Wariye tababar uga furtay Muqdisho + Sawirro

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxabannaan ee Soomaaliya – (SIMHA), ayaa tababar u furtay ku dhawaad 40 wariye oo isugu jiray Rag iyo Dumar, kuwaasi oo kala metalaya warbaahinta Muqdisho sida Tifaftirayaal, soo saarayaal, Tebiyeyaal iyo Wardoonayaal. Tababarkaan oo socon doona muddo 5  maalmood ah,waxaana bixinayay Macallimiin aqoon durugsan u leh mihnadda Saxaafadda qaybaheeda kala duwan, waxaana […]

- Advertisement -

Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxabannaan ee Soomaaliya – (SIMHA), ayaa tababar u furtay ku dhawaad 40 wariye oo isugu jiray Rag iyo Dumar, kuwaasi oo kala metalaya warbaahinta Muqdisho sida Tifaftirayaal, soo saarayaal, Tebiyeyaal iyo Wardoonayaal.

Tababarkaan oo socon doona muddo 5  maalmood ah,waxaana bixinayay Macallimiin aqoon durugsan u leh mihnadda Saxaafadda qaybaheeda kala duwan, waxaana tababarka  uu ku saabsanaa habka tebinta sheekooyinka la xiriira arrimaha La-dagaalanka caadooyinka gurucan ee dhibaataynaya xaquuqda dumarka iyo doorkooda bulshada  iyo u Qareemidoodda.

- Advertisement -

U Tababarida warbaahinta xeerarka xaquuqda dumarka, si loo dhiiri-galiyo isla xisaabtanka iyo meel marinta shuruucda heer qaran iyo heer dowlad Goboleed ayaa qeyb libaax ka qaadan doona in banaanka la keeno tacadiga, si bulshada u baraarugto.

Kasoo qayb-galayaasha Tababarka ayaa waxaa si qotodheer loogu sharraxay hab-tabinta toosan ee ku aadan carruurta iyo xeerarka xaquuqda dumarka, si loo dhiiri galiyo isla xisaabtanka iyo meel marinta shuruucda heer qaran iyo heer dowlad Goboleed.

Si looga hartago dhibaatooyinka faraha badan ee ka dhanka ah carruurta, ayaa ujeedka Tababarkani waxaa uu ahaa in Wariyeyaashu ay xoogga saaraan dhab uga waramida Tacaddiyada lagula kaco haweenka iyo carruurta.

- Advertisement -

Furitaanka Tababarka ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DFS Md. Daa’uud Aweys Jaamac, isagoo Wariyeyaasha ku booriyey in ay diiradda saaraan Hab-tebinta togan ee Xuquuqda haweenka iyo carruurta, waxaana intaasi uu ku daray in taasi wax badan ka beddeli doonto  sida uu u ekaan doono mustaqbalka malaayiin Carruur Soomaaliyeed ah.

“Siyaasad keliya ma’aha in aad tebisaan, ee waa in aad cod  u noqotaan malaayiinta haweenka iyo caruurta  Soomaaliyeed ee dhinac  walba uga baahan hiillada, sida;  in ay Caafimaad iyo  Waxbarasho helaan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys.

Inta Tababarku socon doono ayaa Suxuufiyiinta ka qayb-qeybgalaya waxaa ay falanqayn iyo aragti is-dhaafsi ku sameey doonaan mowduucan:

“Marka aad tabinayso xogta wararka caadooyinka haweenka iyo caruurta dhibka ku haya, waa in aad is weydiisaa, waxa aan ka tabinayo ma u danaynayaan mise wey dhibaataynayaan? sababtoo ah cunuggu markauu ku jiro da’da carruurnimada wali mustaqbalkiisii ugu badnaa ayaa u harsan, sidaa darteed adigoo is leh u dadaal, ayaa waxaa laga yaabaa inaad u gaysato dhibaato uu la noolaado inta noloshiisa ka dhimman, marka waa inaad masuuliyad iska-saartaa”

 

Latest stories