HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay howlgalada lagula dagaalamayo AS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay howlgalada lagula dagaalamayo AS

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbada dhinacya badan taabaneyso xalay jeediyay ayaa ugu horeen kaga hadlay qaraxii 14-October -2017 ee lagu xasuuqday dad badan oo shacab ah. Madaxweyne Xasan Sheelk ayaa ka hadlay dagaalka ka dhnak ah Al-Shabaab, isagoo farriin u diray ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga Macawiisley, una sameeyey balan-qaadyo kale […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbada dhinacya badan taabaneyso xalay jeediyay ayaa ugu horeen kaga hadlay qaraxii 14-October -2017 ee lagu xasuuqday dad badan oo shacab ah.

Madaxweyne Xasan Sheelk ayaa ka hadlay dagaalka ka dhnak ah Al-Shabaab, isagoo farriin u diray ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga Macawiisley, una sameeyey balan-qaadyo kale kula duwan.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryey ciidamada dagaalka ku jira inuu abaal-kooda gudo, sidoo kale wuxuu ku sii dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed ee ku taamaya oo in dalka laga wada xoreeyo AS.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkual dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekha  ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka balan qaaday inay soo daba fariisi doono dhamaan dadka Soomaaliyeed, si dagaalka ay hiilo ugu helaan.

Madaxeyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u mahadceliaya Culimada Soomaaliyeed doorka ay ka qateen dagaalka lagula jiro AS iyo u caddeenta Bulshada in dagaalka lagula jira Al-Shabaab uu yahay Jihaad qof walbana waajib kuyahay in uu ka qeyb qaato,

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inay dowladooda ka heli doonaan maamuus kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, sida dalacsiin, bilado iyo abaal-marino kale.

Latest stories