HomeWararGalmudug oo ka hadashay Khasaaraha Dagaalkii Maanta ka dhacay Burujeed

Galmudug oo ka hadashay Khasaaraha Dagaalkii Maanta ka dhacay Burujeed

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Warrar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaarraha uu dhaliyay dagaal kii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60 km koonfur bari uga beegan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Gudoomiyaha Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo sheegay inuu ku sugan yahay Burujeed ayaa BBC-da u sheegay in dagaal kii saaka lagu jabiyay dagaalamayaasha […]

- Advertisement -

Warrar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaarraha uu dhaliyay dagaal kii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60 km koonfur bari uga beegan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo sheegay inuu ku sugan yahay Burujeed ayaa BBC-da u sheegay in dagaal kii saaka lagu jabiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka cararreen maydad gaaraya sideed qof

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guriceel ee Maamulka Galmudug oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda ay ka dhinteen 5 askari, todobo kalena ay ka dhaawacmeen, kuwaasi oo kamid ahaa ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda.

Gudoomiye Faarax ayaa sheegay in deegaanka Burujeed ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka.

Al-Shabaab dhankooda waxa ay sheegeen inay dileen lixdan ciidamada deegaanka ah, isla markaana ay furteen gaadiid dagaal. Illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaarraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalka ka dhacay Burujeed.

Latest stories