HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin siiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin siiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo uu kula wadaagay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey AS. Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada AS laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo uu kula wadaagay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey AS.

Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada AS laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa cadawga oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda #DanQaran in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Khawaariijta oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.

- Advertisement -

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Latest stories