HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga dheer ee mara degmada Dharkeenley agagaarka iskuulka lagu magacaabo Halgan, waxaana qaraxa kasoo baxaya faah faahino. Qaraxa oo ahaa miino laamiga dhinaciisa lagu aasay ayaa mar qura qaraxday, sida ay sheegeen dad ku sugnaa meel aan sidaas uga […]

- Advertisement -

Qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga dheer ee mara degmada Dharkeenley agagaarka iskuulka lagu magacaabo Halgan, waxaana qaraxa kasoo baxaya faah faahino.

Qaraxa oo ahaa miino laamiga dhinaciisa lagu aasay ayaa mar qura qaraxday, sida ay sheegeen dad ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta, oo tilmaamay in la maqlay jugta qaraxa oo ahaa aheyd mid xooggan.

- Advertisement -

Dadka ayaa sidoo kale soo wariyey in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo shacab ah, halka dhowr qof kalena oo joogay meesha ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii la gaarsiiyay xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho, si xaaladooda loogu dabiibo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa xasillinta caasimadda ay gaareen aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana ay bilaabeen howlgalo ay ku raadinayaan dadkii ka danbeeyay qaraxaasi, inkastoo aan la sheegin dad loo soo qabtay.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxii khasaaraha dhaliyay ee xalay ka dhacay gudaha degmada Dharkeenley… Si kastaba magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca qarax khasaaro geysta.

Latest stories