HomeWararSirdoonka Jubbaland oo soo bandhigay Askar hub AS ula goosatay

Sirdoonka Jubbaland oo soo bandhigay Askar hub AS ula goosatay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo  sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si […]

- Advertisement -

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo  sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay Al-shabaab uga iibsadaan hantida Dowladda ee lagu aaminay.

Ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan AlShabaab  kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

- Advertisement -

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.

Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen AS kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan, balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay Al-Shabab  iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay.

Latest stories