HomeWarar𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐭𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐠𝐮𝐝𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐲'𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐭𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐠𝐮𝐝𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa maanta loo doortay Shir gudoonka kulan weynaha 70-aad ee hay’adda Caafimaadka aduunka WHO/ EMRO kaas oo ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar. Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Caafimaadka ee dawladaha ku midoobay Xafiis goboleedka EMRO, agaasimaha Guud ee […]

- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa maanta loo doortay Shir gudoonka kulan weynaha 70-aad ee hay’adda Caafimaadka aduunka WHO/ EMRO kaas oo ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Caafimaadka ee dawladaha ku midoobay Xafiis goboleedka EMRO, agaasimaha Guud ee Hey’adda Caafimaadka aduunka Dr. Tedros, agaasimaha guud ee xafiis goboleedka EMRO Dr Ahmed Almandari, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Danjire Ilyees Sheekh Cumar, madaxda Hey’adaha Qaramada midoobay ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka iyo marti sharaf kala duwan ayaa waxaa diirada lagu saaray ka hortaga Cudurada faafa, talaalka Caruurta iyo daryeelka Hooyada & dhalaanka si loo helo bulsho Caafimaad qabta.

- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka Xukuunadda Federaalka Soomaaliya oo la wareegay hogaaminta shirka ayaa goobta ka jeediyay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan muhiimada ay u leedahay u diyaar garowga xaaladaha Caafimaad ee deg dega ah iyo sidoo kale xakameynta Cudurada faafa, wasiirka ayaa ugu baaqay wadamada ku bahoobay Urur goboleedka EMRO in ay iskaashi iyo wada shaqeyn kayeeshaan sidii loo tayeyn lahaa adeegyada Caafimaad ee ay Wasaaradaha Caafimaadka bixiyaan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.

Latest stories