HomeWararShirka Mucaaradka Puntland oo duleedka Garoowe ka furmay

Shirka Mucaaradka Puntland oo duleedka Garoowe ka furmay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa Magaalada  Garowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland ka furmay shirka Mucaaridka Puntland oo ay kaga arrinsanayaan sidii loo aadi lahaa doorasho Madaxweynaha, ka hor 8-da Jenuary 2024. Shirkan ayaa ka qabsoomay beerta Arlo Pack ee duleedka caasimadda Garowe, kadib markii hotellada waa weyn qaar ay ka dhaga adeegeen shirkaasi in lagu qabto. Masuuliyiiinta Mucaaradka […]

- Advertisement -

Waxaa Magaalada  Garowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland ka furmay shirka Mucaaridka Puntland oo ay kaga arrinsanayaan sidii loo aadi lahaa doorasho Madaxweynaha, ka hor 8-da Jenuary 2024.

Shirkan ayaa ka qabsoomay beerta Arlo Pack ee duleedka caasimadda Garowe, kadib markii hotellada waa weyn qaar ay ka dhaga adeegeen shirkaasi in lagu qabto.

- Advertisement -

Masuuliyiiinta Mucaaradka ayaa isugu yimid shirkaasi, waxaana sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaro.

Qaar ka mid ah Xubnaha ku shiraya Garoowe oo si hordhac ah madaxsha uga hadlay ayaa sheegay in aysan ogalaan doonin in doorashada waqtigeeda aan la dhaafin, taasi oo ay sheegeen in 8 January aysan dhaafi Karin doorashada guud.

Xukuumaddu Puntland waxa ay sheegtay dhawaan in Puntland ku jirto doorasho qof iyo cod, hayeeshee weli Guddiga Doorashada ma soo saarin jadwal iyo qorshe midna.

- Advertisement -

Waxaana sidoo kale gudiga amniga Caasimada ay soo saareen warqad lagu xusay in aan lagu qaban karin shirar aan maamulka Gobolka Nugaal lasoo ogeysiin.

Waxaana shirkaasi  ka qaybgalaya ku dhawaad 300-Ergo,waxaana lagu falan qayn doonaa 8-da Janaayo siday Doorasho xor iyo xalaal ah udhici lahayd.

Latest stories