HomeWararMaxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh & Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo?

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh & Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo?

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Muqdisho uu xalay xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo. Kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen xaaladda bulsho iyo nololeed […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Muqdisho uu xalay xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC iyo tageerada ay SSC-Khaatumo u baahan tahay.

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa sidoo kale Cabdulqaadir Firdhiye ka dhageystay warbixin la xiriirta xalaada deeganaada SSC iyo xadiga khasaaraha dagaaladii 8-da bilood ka socday magaalada Laascaanood, kuwaasoo geystay khasaare lixaad leh.

Kulankan ka dhacay xalay xarunta Madaxtooyada ee dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno la socday hoggaamiyaha oo socdaalka ku wehlinayay iyo mas’uuliyiinta SSC ku metela Golayaasha kala duwan ee dowladda.

Hoggaamiyaha maamulka SSC ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad uu u fidiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre , waxaana hoggaamiyaha Muqdisho loogu soo dhaweeyay aad u heersareysa.

Latest stories