HomeWararMucaaradka K/Galbeed oo Maanta kusii jeeda mar kale Dhuusamareeb & Ujeedkooda

Mucaaradka K/Galbeed oo Maanta kusii jeeda mar kale Dhuusamareeb & Ujeedkooda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxa saaka lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay u safraan siyaasiyiinta ka soo hor-jeeda maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Koonfur-galbeed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale. Waxay magaaladaas kula kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo labadii bilood ee u dambeeyay ku sugnaa […]

- Advertisement -

Waxa saaka lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay u safraan siyaasiyiinta ka soo hor-jeeda maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Koonfur-galbeed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale.

Waxay magaaladaas kula kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo labadii bilood ee u dambeeyay ku sugnaa Dhuusamareeb, kaas oo ay sheegeen inuu ka codsaday kulan ay yeeshaan.

- Advertisement -

Qorshaha siyaasiintaas ayaa marka hore ahaa, in shalay oo 5-ta bisha ku beegnayd aadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka koonfur galbeed, balse waxay safarkooda u baajiyeen inay Dhuusamareeb aadaan. Waxay sheegeen in kulankaas kadib ay aadi doonaan Baydhabo.

Weli waxaa uu khilaaf ka taaganyahay xilliga rasmiga ah oo uu dhacayo muddo xileedka dowladda koonfur galbeed, oo heshiis bilowgii sanadkan la gaaray uu xilheynta ugu kordhiyay ilaa dhammaadka Oktoobar

Siyaasiinta ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaas oo ay uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka koonfur galbeed iyo dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

- Advertisement -

Safarka siyaasiintan waxaa ka sii horeeyay safar uu talaadadii la soo dhaafay isla Dhuusamareeb ku tegay madaxweuynaha koonfur galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo halkaas kula kulmay madaxweyne Xassan Sheekh.

Latest stories