HomeWararHoggaamiyaha SSC-khaatumo oo Maanta kusoo wajahan Muqdisho

Hoggaamiyaha SSC-khaatumo oo Maanta kusoo wajahan Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa Maanta oo jimco ah kusoo wajahan hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabixi doona magaalada Laascaanood. Warar la helayo ayaa sheegaya in hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye uu Muqdisho ku casuumay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa […]

- Advertisement -

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa Maanta oo jimco ah kusoo wajahan hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabixi doona magaalada Laascaanood.

Warar la helayo ayaa sheegaya in hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye uu Muqdisho ku casuumay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

- Advertisement -

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Dhinacyada ayaa la filayaa inuu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo, isla markaana uu ka dalbado hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.

SSC-khaatumo ayaa dhawaan yeelatay maamul cusub, kadib markii magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaas ciidankii maamulka Somaliland looga saaray dagaalo culus oo khasaaro badan dhaliyey.

Latest stories