HomeWararWararkii ugu danbeeyay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ku dhintay Dagaalkii Mudug

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ku dhintay Dagaalkii Mudug

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal aad u culus oo gelinkii dambe ee shalay inta u dhexeeysa deegaanka Shabeelow iyo Wisil ee Gobolka Mudug ku dhexmaray ciidanka dowladda, kuwa deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa markii hore bilowday, ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerar jid-gal ah ku qaaday kolonyo ay la […]

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal aad u culus oo gelinkii dambe ee shalay inta u dhexeeysa deegaanka Shabeelow iyo Wisil ee Gobolka Mudug ku dhexmaray ciidanka dowladda, kuwa deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa markii hore bilowday, ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerar jid-gal ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo kuwa deegaanka ee macwiisleyda, kuwaasi aaday goob taag ah, si ay u helaan khadka telefoonka oo ay ku hadlaan.

- Advertisement -

Hubka noocyadiisa kala duwan ayey dhinayada dagaalka inta uu socday isku adeegsadeen, waxaana ciidamo ka tirsan dowladda oo gurmad u ahaa saraakiisha iyo ciidamada ayaa dagaal kale ku qabsaday wadada, taasi oo keentay khasaaro kale.

Laba ilo wareed oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay inay dagaalkan ku dhinteen tobannaan qof oo dhinacyada dagaalamay ah oo ay ku jiraan ilaa 30 ka mid ah ciidamada degaanka, dadka dhintay ayaa waxaa sidoo kale ku jira saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Xubno ay ka mid yihiin Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed (Afyare) ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku dhinteen.

- Advertisement -

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale dagaalka lagu dilay Gudoomiyihii deegaanka Bajeele, Maxamed Abshir Shuuke. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkan ku dileen 58 qof, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Latest stories