HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Baladweyne

Faah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Baladweyne

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Mid kamid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqaanay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa habeenimadii xalay aheyd waxa ay kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ku dileen xaafad ka tirsan magaaladaasi. Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Xaaji Daahir oo ku magac dheeraa Xasan Nigeria, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday rasaas […]

- Advertisement -

Mid kamid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqaanay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa habeenimadii xalay aheyd waxa ay kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ku dileen xaafad ka tirsan magaaladaasi.

Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Xaaji Daahir oo ku magac dheeraa Xasan Nigeria, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday rasaas qeybaha jira uga dhufteen dableydii hubeysneyd ee falkaasi khaarijinta ah ku fulisay marxuumka.

- Advertisement -

Illaa io hadda ma cada sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay ganacsadaha oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, iyadoona durbadii ay goobta ka baxsadeen raggii ka danbeeyay dilka.

Marxuum Xasan Xaaji Daahir ayaa mudooyinkii dambe dhismo dib u dayactir ah ka waday kaliga Waraaboole oo ka mid ah goobaha biya xireenada Baladweyne, Si kastaba Baladweyne ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro.

Latest stories