HomeWararWararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen ay saaka ka deggantahay sidii hore, inkastoo wali ay is horfadhiyaan meleeshiyaadkii dagaallamay. Shalay dagaalkii dhacay waxaa ku dhintay ugu yaraan labaatan qof konton qof oo kalena way ku dhaawacmeen. Wali waxaa is horfadhiya meleeshiyaadkii, waxaana soo baxaya warar sheegaya in […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen ay saaka ka deggantahay sidii hore, inkastoo wali ay is horfadhiyaan meleeshiyaadkii dagaallamay.

Shalay dagaalkii dhacay waxaa ku dhintay ugu yaraan labaatan qof konton qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Wali waxaa is horfadhiya meleeshiyaadkii, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay macquul tahay in dagaalku saacad walba dib u qarxo, maaddaama sida lasoo sheegayo aysan jirin cid si toos ah ciidan u kala dhex-dhigtay labada malleyshiyo.

Sidoo kale warar kale ayaa soo sheegaya in ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Galmudug iyo Puntland ay xakamayn waayeen labada dhinac.

Waxaa socda dedaallo looga golleeyahay in dagaalka lagu joojiyo oo ay hormuud ka yihiin maamullada Galmudug iyo Puntland.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa loo maleynayaa inuu salka ku hayo aano qabiil iyo daaqsinta, waxaana jira baaqyo ka imaanaya dhinacyo kala duwan oo looga dalbanaya beelaha dagaallamaya in dagaalka la joojiyo xalkana nabad iyo wadahadal lagu raadiyo.

Latest stories