HomeWararTiro dad ah oo ku dhintay kaniisad ku duntay dalka Mexico

Tiro dad ah oo ku dhintay kaniisad ku duntay dalka Mexico

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyooday kadib markii uu ku soo dumay saqafka kaniisad ku taala waqoyiga dalka Mexico, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas. Afartan iyo sagaal qof ayaa loola cararay isbitaalka kadib burburka kaniisadda Cruz oo ku taala magaalada xeebeedka Ciudad Madero ee gobolka Tamaulipas ee dalkaas. Ugu yaraan laba carruur ah ayaa lagu […]

- Advertisement -

Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyooday kadib markii uu ku soo dumay saqafka kaniisad ku taala waqoyiga dalka Mexico, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Afartan iyo sagaal qof ayaa loola cararay isbitaalka kadib burburka kaniisadda Cruz oo ku taala magaalada xeebeedka Ciudad Madero ee gobolka Tamaulipas ee dalkaas.

- Advertisement -

Ugu yaraan laba carruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay kamid ahaayeen dadkii geeriyooday. Dad lagu qiyaasay ilaa 100 qof ayaa xiligaas ka qeyb galayay xaflad ka dhaceysay kaniisadda.

Dhanka kale, waxaa lagu soo warramayaa in tobanaan qof ay ku go’adoonsanyihiin gudaha kaniisadda.

Howlaha samatabixinta ayaa haatan socda iyadoo dadka ay eheladooda ka raadinayaan burburka hoostiisa..

Latest stories