HomeWararXeer Ilaalinta Qaranka oo Racfaan ka qaadatay Xukunkii Maxkamadda G/Banaadir

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Racfaan ka qaadatay Xukunkii Maxkamadda G/Banaadir

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Racfaan ka qaatay xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dib ugu celisay xorriyadooda 5 xubnood oo ku eedeysanaa Masuqmaasuq. Warqad kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiska uu si hordhac ah u dhammeystiray habraaca Racfaan qaadashada xubnahii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku […]

- Advertisement -

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Racfaan ka qaatay xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dib ugu celisay xorriyadooda 5 xubnood oo ku eedeysanaa Masuqmaasuq.

Warqad kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiska uu si hordhac ah u dhammeystiray habraaca Racfaan qaadashada xubnahii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku weyday wax dembi ah.

- Advertisement -

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa khamiistii xukunno xabsi kala duwan ku riday lix masuul oo lagu helay in ay galeen dambiyo kala duwan oo musuq maasuq ah, halka ay dambi ku weysay shan maxbuus kale ,kuwaa oo ay ammartay in lasii daayo.

Mas’uuliyiintii la amray in lasii daayo ayaa wali ku jira xabsiga, waxaana la sheegay in xafiiska xeer ilaalinta iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda aysan ku qanacsaneyn in dambi lagu waayo qaar kamid ah mas’uuliyiintii lasoo eedeeyay.

Latest stories