HomeWararGaadiid Qaraxyo laga soo buuxiyay oo loo waday Dhuusamareeb oo la fashiliyay

Gaadiid Qaraxyo laga soo buuxiyay oo loo waday Dhuusamareeb oo la fashiliyay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka hortageen qaraxyo laga soo buuxiyay Gawaari ah oo la doonayay in lagu weeraro goobo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka dowladda ay ka fashiliyeen laba gaari oo sidday qaraxyo, […]

- Advertisement -

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka hortageen qaraxyo laga soo buuxiyay Gawaari ah oo la doonayay in lagu weeraro goobo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka dowladda ay ka fashiliyeen laba gaari oo sidday qaraxyo, kuwaasi oo looga hortegay banaanka Dhuusamareeb, kadib xog ay heleen ciidamada .

- Advertisement -

“Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale Qoraalka ayaa intaas lagu sii daray “Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay khasaaro AS ku gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah ee ka socda deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo ku dhow saddexdood ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu Madaxweynaha si KMG ah ugu shaqeynayo.

- Advertisement -

Maalmo kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen Madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxaana xusid mudan in weerarkaasi uu dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Latest stories