HomeWararMasar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda lasii ogyahay

Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda lasii ogyahay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Masar ayaa qaban doonta doorasho madaxweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas Isniintii ku dhowaaqay mas’uuliyiinta, ayada oo la filayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka kusii nagaado illaa 2030. Waleed Hamza, guddoomiyaha Maamulka Doorashooyinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna […]

- Advertisement -

Masar ayaa qaban doonta doorasho madaxweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas Isniintii ku dhowaaqay mas’uuliyiinta, ayada oo la filayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka kusii nagaado illaa 2030.

Waleed Hamza, guddoomiyaha Maamulka Doorashooyinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay dhaceyso Janaayo 8-10, haddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka.

- Advertisement -

Waxa uu intaas ku daray in dadka dibedda dalka ku maqan ay codeyn doonaan December 1-3, halka tan ku celiska ahna ay codeyn doonaan 5-7.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa durba ku dhowaaqay inay u taagan yihiin qabashada xilka ugu sarreeya dalka, balse midkoodna loolan adag ma gelin doono al-Sissi oo xukunka hayey tan 2014, islamarkaana Reer Galbeedka kala kulma dhalleeceyn ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha Masar.

Al-Sissi, wasiirkii hore ee difaaca, ayaa hoggaamiyey afgmabi xukunka looga turay madaxweyne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunkiisa halka sano jiray.

Latest stories