HomeWararFaah Faahin: Shil khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka degmada Sheekh

Faah Faahin: Shil khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka degmada Sheekh

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Sheekh ee Somaliland, waxaana ka dhashay sida wararku tilmaamayaan dhimasho iyo dhaawac. Shilka oo ka dhacay duleedka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa waxaa wararku ay tilmaamayaan in ay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux oo ka  mid ahaa dadkii saarnaa […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Sheekh ee Somaliland, waxaana ka dhashay sida wararku tilmaamayaan dhimasho iyo dhaawac.

Shilka oo ka dhacay duleedka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa waxaa wararku ay tilmaamayaan in ay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux oo ka  mid ahaa dadkii saarnaa Gaariga shilka galay.

- Advertisement -

Dhalinyarada Shilkaasi ku geeriyootay ayaa ahaa Howlwadeennada Waqal Studio oo fadhigiisu yahay Hargeysa, waxaana lagu kala magacaabi jiray Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Daahir.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay, waxaana sawirro iyo muuqaallo la baahiyay ay tilmaamayaan Gaariga ay wateen dhalinyarada geeriyootay oo si daran u gubtay.

Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Daahir ayaa ahaa dhalinyaro aad u firfircoon, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Baraha bulshada hareeyay tacsida dhalinyaradaasi.

- Advertisement -

Degaanada Somaliland ayaa waxaa ku b adan shilalka noocaas oo kale ah, waxaana tiro dhawr jeer ah dhacay shillala gallaaftay nolosha dad shacab ah.

Latest stories