HomeWararWafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood

Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo siweyn  loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi Laascaanood. Wafdigaan oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Timacade […]

- Advertisement -

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo siweyn  loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi Laascaanood.

Wafdigaan oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Timacade iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Jaamac Khaliif.

- Advertisement -

Ujeedka wafdiga ee Laascaanood ayaa waxa uu yahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen Maamulka SSC-Khaatumo iyo Odayaasha dhaqanka, iyagoona kala hadli doona xaaladda guud ee magaaladaasi oo laga qabsaday Maamulka Somaliland.

Sidoo kale wafdiga ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqan doona xaafadaha Laascaanood oo ay ka muuqdan burbur xooggan oo kasoo gaaray madaafiicdii ay ciidanka Somaliland ku garaacayeen bilihii lasoo dhaafay.

Ciidanka SSC-Khaatuma ayaa dagaalo saf-ballaaran ah Laascaanood iyo deegaanada hoostaga uga saaray ciidanka Maamulka Somaliland, waxaana inta ay socotay Colaada ku naf-waayay boqolaal qof, halka kumanaan kun qofna ay ku barakaceen.

Latest stories