HomeWararNISA oo Shaacisay in la dilay Xubno sar-sare oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha...

NISA oo Shaacisay in la dilay Xubno sar-sare oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha AS

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada toddoba ka mid ah xubnaha sare ee dagaalamaayasha Al-Shabaab, oo ay sheegtay in lagu dulay howlgallo dhowaan dhacay. War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah xubnahaas lagu dilay weerar 10-kii September ka dhacay deegaanka Awdheegle ee […]

- Advertisement -

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada toddoba ka mid ah xubnaha sare ee dagaalamaayasha Al-Shabaab, oo ay sheegtay in lagu dulay howlgallo dhowaan dhacay.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah xubnahaas lagu dilay weerar 10-kii September ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Xubinta 7-aad ayey NISA sheegtay in lagu dilay deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud, oo u dhow magaalada Dhuusomareeb, 11-kii September.

NISA waxay sheegtay in howl-gallada lagu dilay xubnahan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.

Xubnaha ay shaacisay NISA ayaa kala ah:

- Advertisement -

1- Sheekh Cabdullaahi, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

2- Cali Timajilic, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

3- Bashiir Dheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

4- Cabdiqafaar, oo loo yaqaanay Macallin Nadaara, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5- Shaaciye Maxamed Cali, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

6- Sakariye Maxamed Bashiir, oo loo yaqaanay Cadnaan ama Sandheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

7- Axmed Cali Daahir Shuuke, oo lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

Latest stories