HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo soo saaray Digniin la xiriirta Dagaalka AS

Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo saaray Digniin la xiriirta Dagaalka AS

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay naqshaddaynta guud ee magaalada Kismaayo oo muddo badan hirgalinteeda laga shaqeynayey. Munaasabadan ayaa waxaa lagu sharaxay qaabka iyo nidaamka ay noqonayso Kismaayada cusub ee la rajeynayo in wixii hadda ka dambeeya la hirgaliyo taas oo u diyaarsan in ay ku noolaadaan dad […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay naqshaddaynta guud ee magaalada Kismaayo oo muddo badan hirgalinteeda laga shaqeynayey.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu sharaxay qaabka iyo nidaamka ay noqonayso Kismaayada cusub ee la rajeynayo in wixii hadda ka dambeeya la hirgaliyo taas oo u diyaarsan in ay ku noolaadaan dad gaaraya ilaa 5 Milyan iyo bar.

- Advertisement -

Ciidamada qaybahooda kale duwan ayuu uga digay Madaxweynaha Jubaland ku milanka kiisaska dhulalka waxa uuna sheegay Madaxweynaha in talaabo waafaqsan sharciga la marsiin doono Ciidamada had iyo jeer ku dhaxjira arimaha dhulalka.

Garsoorka iyo Maxkamadaha ayuu Madaxweynahu faray in aysan gali karin dacwadaha dhul aan soo marin hay’adaha ku shaqada leh.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka ku jiro iyo dagaalka ka dhanka ah Shabaabka ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka dalka lagu xoraynayo.

- Advertisement -

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Jubaland iyo guud ahaan siyaasiyiintaba ugu baaqay in ay door muuqda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah AS, garab-istaagna loo muujiyo Madaxweynaha JFS ee hoggaaminaya howlgalka.

Latest stories