HomeWararMW ku-xigeenka Galmudug oo weji kale u yeelay khilaafka kala dhexeeya Qoorqoor

MW ku-xigeenka Galmudug oo weji kale u yeelay khilaafka kala dhexeeya Qoorqoor

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Khilaaf siyaasadeed ayaa weli u dhexeeya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, kaasi oo maalmo kahor soo shaac baxay, kadib markii ay soo kala saareen amaro iska soo horjeeda. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid oo shalay ka hadlaayay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa khilaafka kala dhexeeya Axmed […]

- Advertisement -

Khilaaf siyaasadeed ayaa weli u dhexeeya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, kaasi oo maalmo kahor soo shaac baxay, kadib markii ay soo kala saareen amaro iska soo horjeeda.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid oo shalay ka hadlaayay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa khilaafka kala dhexeeya Axmed Qoorqoor weji kale u yeelay, isagoo is babar dhigay arrinta Caabudwaaq iyo tan Laascaanood.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Cali Ciid in si isugu egyihiin arrinta ka taagan Caabudwaaq iyo tii kacdoon ka dhacday magaalada Laascaanood, waxa maamulka uu katirsan yahay ee Galmudug xaqirtay Caabudwaaq oo canshuurta dadkeeda laga qaado aan lagu celin.

“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan. Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka Caabudwaaq inay iyagu tashadaan, isla markaana wax ka qabtaan xaaladaha ka jira magaaladaasi.

- Advertisement -

Si kastaba khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa oo qarsoonaa ayaa soo bannaan baxay, kaddib markii Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid uu shaqada ka joojiyay Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel, balse waxaa xil ka qaadistaasi kahor yimid madaxweyne Qoorqoor.

Latest stories