HomeWararDowladda oo sheegtay in howlgal Saraakiil lagu dilay uu ka dhacay Ceel-lahelay

Dowladda oo sheegtay in howlgal Saraakiil lagu dilay uu ka dhacay Ceel-lahelay

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwciisleyda ay xalay ka fuliyeen Galbeedka Ceel-La Helay ee Gobolka Galgaduud oo shalay ay la wareegeen ciidamada. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid gaar ah lagu dilay saddex sarkaal […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwciisleyda ay xalay ka fuliyeen Galbeedka Ceel-La Helay ee Gobolka Galgaduud oo shalay ay la wareegeen ciidamada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid gaar ah lagu dilay saddex sarkaal ka tirsanaa Al-Shaabab, kuwaasi oo la sheegay inay mas’uul ka ahaayeen wax loogu yeeray falalka diinta ka baxsan oo ay ka fulin jireen Galmudug.

- Advertisement -

Dowladda ayaa magacyada saraakiisha la dilay ku kala sheegtay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha dagaalamayaasha Al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa xubno lagu daba jiray, waa sida hadalka loo dhigay.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka, waxaa ka go’an Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay DFS.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa shalay la wareegay deegaanka Ceel-La Helay ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

- Advertisement -

Latest stories