HomeWararQarax Is-maadaamin ah oo Maanta ka dhacay Degmada Maxaas

Qarax Is-maadaamin ah oo Maanta ka dhacay Degmada Maxaas

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, xilli uu degmadaas maalintii saddexaad uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud. Qarax oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay banaanka hore ee degmada Maxaas, waxaana la […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, xilli uu degmadaas maalintii saddexaad uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Qarax oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay banaanka hore ee degmada Maxaas, waxaana la sheegay in ciidanka ammaanka ay Qori weyn ku dhufteen gaariga oo noociisu ahaa Laanguruusal.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhinaty ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lamana soo sheegin khasaaro qaraxa kasoo gaaray ciidamada Macawuusleyda iyo kuwa kale ee ammaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxcamuud ayaa xilliga qaraxa dhacayay ku sugnaa xero ciidanka dowladda leeyihiin, waxa uuna halkaasi kula hadlayay ciidankii goobta joogay, isagoona sii watay hadalkiisa xilli uu dhacay qaraxa xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ka wada kulamo uu la qaadanayo saraakiisha ciidamada xoogga iyo siyaasiyiina, isagoona kala hadlaya dardar-gelinta howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Latest stories