HomeWararMW Xasan Sheekh oo sheegay in la xiray Saraakiil furimo Dagaal kasoo...

MW Xasan Sheekh oo sheegay in la xiray Saraakiil furimo Dagaal kasoo saaray Ciidamo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in la xiray saraakiil lagu eedaynayo inay ciidanka kasoo saareen furimaha dagaalka, inkastoo Madaxweynuhu uusan sheegin tirada saraakiisha la xiray, hase yeeshee waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono.

“La isku darsanmaayo, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin la mid ma noqon doono kii iyadoo oo cadawga la hortaagan yahay soo baxay ee qorigiisa garabka saartay ee Xamar tagay ama qoriga dhexda ku gatay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxa uu sheegay in saraakiisha loo xiray dambi ay gaysteen, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu maalmaha soo socda booqan doono goobo kale oo ka mid ah furimaha dagaalka.

Latest stories