HomeWararAl-Shabaab oo Weerar ku qaaday Daaru-nicma & Dagaal Culus oo Maanta ka...

Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Daaru-nicma & Dagaal Culus oo Maanta ka socda

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka aan ka heleyno deegaanka Daaru-nicma ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Maanta deegaankaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka xoogga, kuwa macwiisleyda iyo Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday, ka gadaal markii dagaalyahano hubeysan oo kamid ah Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ay kusoo qaadeen […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Daaru-nicma ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Maanta deegaankaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka xoogga, kuwa macwiisleyda iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday, ka gadaal markii dagaalyahano hubeysan oo kamid ah Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ay kusoo qaadeen deegaanka Daaru-nicma gaar ahaan Saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka xoogga iyo kuwa macwiisleyda.

- Advertisement -

Hub culus ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka u dhexeeyada labada dhinac, isla markaana waxaa lasoo werinayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in la maqlayo jugta qaraxyo xooggan oo dhacaya, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa laga soo xigtay inay iska caabin ku wadaan Shabaabka Maanta soo weeraray deegaanka Daaru-nicma ee Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab warar ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ku sheegteen inay la wareegtay deegaanka Daaru-nicma, isla markaana dagaalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhiga.

- Advertisement -

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi, Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray deegaanka Daaru-nicma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Latest stories