HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Degmada Maxaas

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Degmada Maxaas

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay ku wajahan yihiin degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Ujeedka safarka Madaxweynaha ee Maxaas ayaa waxa uu yahay dardar-gelinta howlgalka lagula dagaalamyo Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada Hiiraan, Shabeellaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay ku wajahan yihiin degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ee Maxaas ayaa waxa uu yahay dardar-gelinta howlgalka lagula dagaalamyo Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ee maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

- Advertisement -

Shalay ayaa waxa tagay Maxaas xubno ay kamid ahaayeen Wasiirka Batrooka ee Dawladda Federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan ka socota degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana aad loo adkeeyay amniga degmadaas, sidoo kalena la xiray inta badan waddooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu kala socday hawgalka ciidanka ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan ee Galmudug.

- Advertisement -

Lama oga inta uu Madaxweynuhu sii joogi doono Maxaaas, waxana la filayaa in uu waxgaradka deegaanka kala hadlo sidii loo xoojin lahaa duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabbaab.

Latest stories