HomeWararMW Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay wafdi sare oo ka socday...

MW Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Waaxda Taageerada Hawlgallada Atul Khare ayaa Maanta booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug. Wafdigaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Dhuusamareeb oo uu halkaasi u joogay dardar-gelinta […]

- Advertisement -

Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Waaxda Taageerada Hawlgallada Atul Khare ayaa Maanta booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.

Wafdigaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Dhuusamareeb oo uu halkaasi u joogay dardar-gelinta howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

- Advertisement -

War kooban oo la soo dhigay barta X ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Kaaliyaha ay ka wad hadleen arimo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, bixitaanka ciidanka ATMIS iyo taageerada UNSOS ee Soomaaliya kaddib bixitaanka ATMIS.

Atul Khare oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadda ku boggaadiyay dadaala ay ugu jiraan sidii Soomaaliya u noqon laheyd mid Nabad ah iyo sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Latest stories