HomeWararBooliska oo shaaciyay in la qabtay Ragii watay Gaari Maanta ku Qaraxy...

Booliska oo shaaciyay in la qabtay Ragii watay Gaari Maanta ku Qaraxy Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax barqanimadii Maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile dhinaca agagaarka Ex-control Afgooye. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Warbaahinta la hadlay ayaa u  sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla […]

- Advertisement -

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax barqanimadii Maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile dhinaca agagaarka Ex-control Afgooye.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Warbaahinta la hadlay ayaa u  sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana uu qarxay, xilli uu taagnaa barta Hubinta gaddiidka ee ciidanka Ciiltire.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Afhayeenka in qaraxa la fashiliyay oo laga hortegay, isla markaana aysan jirin cid wax ku noqtay qaraxaasi xoogganaa ee maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Ex-control Afgooye.

“Khawaarijtu gaari ku soo rareen Walxaha Qarxa, Barta Hubinta Gadiid ee Ciidanka Howlgalka Ciiltire, gaar ahaan Ciidanka Boliiska Soo maaliyeed, ayaa ka hortagay oo fashiliyay dhahartaas, intii dadka laga fogeynayay ayuu gaarigii qarxay” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa xusay in ciidanka ammaanka ee ku sugnaa barta uu gaarigu ku qarxay inay qabteen laba Nin oo watay gaariga, isagoona sheegay in raggaas la horgeyn doono cadaalada.

Latest stories