HomeWararMadaxweyne Muuse Biixi oo Maanta ku wajahan Gobolka Sool & ujeedka safarkiisa

Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta ku wajahan Gobolka Sool & ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabaxaya magaalada Hargeysa caasimadda maamulkaasi ayaa maanta oo jimco ah waxa ay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Madaxweyne Biixi ayaa waxaa safarkiisa lagu sheegay inuu yahay mid uu warbixino kaga dhageysan doono askarta iyo saraakiisha ciidanka Somaliland ee kasoo badbaaday […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabaxaya magaalada Hargeysa caasimadda maamulkaasi ayaa maanta oo jimco ah waxa ay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa safarkiisa lagu sheegay inuu yahay mid uu warbixino kaga dhageysan doono askarta iyo saraakiisha ciidanka Somaliland ee kasoo badbaaday dagaalkii cuslaa ee Jimcihii todobaadkii hore ka dhacay xerada Goojacade ee Sool.

- Advertisement -

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu saldhigan doonaa deegaanka Oog ah halka deegaan ay gobolka Sool kaga sugan yihiin ciidamada Somaliland oo laga soo saaray dhamaan saldhigyadii iyo difaacyadii Gobolkaasi.

Dhanka kalena, SSC Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa iney adkeeyeen difaacyadooda isla mar ahaantaasina ay heegan galiyeen ciidankooda, waxaana jirta baqdin ah inuu dagaal kale ka qarxo qeybo kamid ah gobolka Sool.

Ciidankii maamulka Somaliland ayaa Jimcihii todobaadkii hore dagaal xooggan looga saaray xerada Goojacadde oo in muddo ah ku sugnaayeen, halkaasi oo la tilmaamay in ciidanka Somaliland ay madaafiic uga soo garaaci jireen magaalada Laascaanood.

Latest stories