HomeWararTaliska DANAB oo ka hadlay howlgal khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Jubbada...

Taliska DANAB oo ka hadlay howlgal khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa xalay howlgal khasaaro dhaliyay ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka Labi Kuus oo 60 KM dhinaca galbeed ka xiga Kismaayo. Howlgalka oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu qaaday deegaanka Labi Kuus oo ay ku sugnaayeen xubno kamid ah Shabaabka, […]

- Advertisement -

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa xalay howlgal khasaaro dhaliyay ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka Labi Kuus oo 60 KM dhinaca galbeed ka xiga Kismaayo.

Howlgalka oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu qaaday deegaanka Labi Kuus oo ay ku sugnaayeen xubno kamid ah Shabaabka, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad ee ciidanka DANAB Carab Dheeg Axmed.

- Advertisement -

Taliye Carab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay ugu yaraan illaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas.

Howlgalkaan ayaa kusoo aaday, iyada oo mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ay shalay ka dhaceen deegaanka Cawsweyne, waxaana ilaa hada la helin xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo la sheegay in dhimasho iyo dhaawac badan ay kasoo gaareen saraakiil iyo askar badan

Latest stories