HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Hoobiyeyaal saakay lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde

Faah faahin kasoo baxeysa Hoobiyeyaal saakay lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa aroornimadii hore ee saaka oo sabti ah waxa ay ku dhaceen agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya.

Jugta illaa saddex hoobiye ayaa laga malqay xaafaddo badan oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo mid kamid ah uu ku dhacay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halka labada kalena ay ku dhaceen meel ku dhow Garoonka.

- Advertisement -

Laba ruux ayaa la tilmaamay inay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha lagu weeraray Garoonka Muqdisho, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in daqiiqado kooban shaqaalaha Garoonka lagu celiyay afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka garoonka iyo hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaarkood magaalada Muqdisho ku garaacda hoobiyeyaal aan la ogeyn halka laga soo tuuro, waxaana ka dhasha khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaara shacab ah oo ay madaafiicda ku habsadaan guryahooda.

Latest stories