HomeWararMadaale oo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka kusoo rogay amar ku aaddan Ammaanka Caasimadda

Madaale oo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka kusoo rogay amar ku aaddan Ammaanka Caasimadda

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo todobaadkaan loogu hadlay Dib-u-dhiska Caasimadda, Dar-dargelinta Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Taageerida dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda guud ahaan dalka, kaasi oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo todobaadkaan loogu hadlay Dib-u-dhiska Caasimadda, Dar-dargelinta Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Taageerida dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda guud ahaan dalka, kaasi oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga Dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda ayaa soo bandhigay halka uu maraayo wejiga labaad ee Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar, taasi oo hada lagu dhisaayo wadooyin muhiim ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho iyo qaabka ugu fudud oo ay Bulshada ugu qeyb qaadan karaan Barnaamijkasi hirgalay ee dalkaaga ku dhiso hal doolar.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada oo kaashanaya shacabka Caasimadda in ay hormuud u noqdaan taageerada wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanada loo gaarsiin lahaa wixii baad ah oo ay u baahan yihiin iyo taageero weliba oo ay u baahan yihiin.

Ugu danbeyn shirka ayaa loogu hadlay La-dagaalanka Maandooriyaha, Garan-waaga, Nadaafada iyo Bilic soo celinta Caasimadda, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud, Agaasimeyaal, La-taliyeyaal, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo Howlwadeeno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts