HomeWararSomaliland oo shaaciyay tirada Ciidanka looga dilay Dagaalkii ay la galeen Jabhada

Somaliland oo shaaciyay tirada Ciidanka looga dilay Dagaalkii ay la galeen Jabhada

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Taliska Booliska Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo shalay dhexmaray jabhada hubeysan ee kasoo horjeeda Xukuumadda Muuse Biixi iyo ciidanka Booliska Maamulka, dagaalkaas ayaa ka dhacay deegaanka loo yaqaan Go’da oo ka tirsan Gobolka Saaxil. Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo la hadlay warbaahinta ayaa u […]

- Advertisement -

Taliska Booliska Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo shalay dhexmaray jabhada hubeysan ee kasoo horjeeda Xukuumadda Muuse Biixi iyo ciidanka Booliska Maamulka, dagaalkaas ayaa ka dhacay deegaanka loo yaqaan Go’da oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Go’da uu dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidankooda, dagaalka ayaana yimid kadib weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Booliska.

- Advertisement -

Waxa uu xaqiijiyay Taliye Maxamed Aadan in ciidanmada Booliska Somaliland dagaalka looga dilay 9 askari, isla markaana laga dhaawaacay 17 kale oo ka mid ah ciidamada  , kuwaasi oo dagaal la galay jabhada hubeysan ee buurta gacan Libaax ku sugan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay in markii hore aysan amar ku qabin in ay weeraran ciidamada buurta galay ee diidan taliska Muuse Biixi, balse hadda wixii ka danbeeya dagaal toos ah lagu qaadi doono oo ciidamadu qabaan amar buuxa.

Jabhadda hubeysan ee ku sugan buurta Gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ayaa diidan muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loo sameeyey, qabasho la’aanta doorashada iyo inaan loo sineyn Somaliland, sida ay horey u sheegeen Saraakiisha.

Latest stories