HomeCaalamkaMilliteriga la wareegay talada Niger oo Dalab hordhigay Kooxda Wagner

Milliteriga la wareegay talada Niger oo Dalab hordhigay Kooxda Wagner

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Maamulka Milliteriga ee dalka Niger ayaa la sheegay inay taageero ka codsadeen kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha Raashiya ee PMC Wagner, xilli ay Saraakiisha Nigeria ka walaacsan yihiin suurtogalnimada faragelinta Ciidamo ka socda dalalka ku bahoobay Urur-Gobaleedka ECOWAS. Madaxda Dowladaha Ururia ECOWAS waxay horey ugu baaqeen Milliteriga Nigeria inay xilka dib ugu wareejiyaan Madaxweynihii la afgembiyey, Maxamed Bazoum […]

- Advertisement -

Maamulka Milliteriga ee dalka Niger ayaa la sheegay inay taageero ka codsadeen kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha Raashiya ee PMC Wagner, xilli ay Saraakiisha Nigeria ka walaacsan yihiin suurtogalnimada faragelinta Ciidamo ka socda dalalka ku bahoobay Urur-Gobaleedka ECOWAS.

Madaxda Dowladaha Ururia ECOWAS waxay horey ugu baaqeen Milliteriga Nigeria inay xilka dib ugu wareejiyaan Madaxweynihii la afgembiyey, Maxamed Bazoum ugu dambayn Maalinta Axadda ee berrito.

- Advertisement -

Madaxweynaha xiran ee la Afgembiyey bishii hore ee July 26-dii ayaa sheegay inuu yahay La- La- hayste u xiran Ciiddankii  isaga afgembiyey.

Codsiga Saraakiisha Milliteriga ee Niger ayaa soo baxay, kadib, markii uu Hoggaamiyaha Afgembiga,  Jeneral Salifou Mody uu dhawaan ku tegay dalka Mali, halkaasi oo uu xiriir la sameeyey Shaqsi ka socday Kooxda PMC Wagner.

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay maqleen Wararka sheegayo inay Askarta la wareegtay Talada Niger ay Taageero ka codsadeen Kooxda Wagner ee dalka Mali ku sugan.

Latest stories