HomeWararDuqa Muqdisho oo ka hadlay eedo loo jeediyay Qoyska MW Xasan Sheekh

Duqa Muqdisho oo ka hadlay eedo loo jeediyay Qoyska MW Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu warbixiyay arrimo ku aadan is-heysadka iyo fulinta dhinaca dhulalka Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne ay leeyihiin Talyaaniga, isla markaana hada ay soo dirsadeen codsi ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu warbixiyay arrimo ku aadan is-heysadka iyo fulinta dhinaca dhulalka

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne ay leeyihiin Talyaaniga, isla markaana hada ay soo dirsadeen codsi ay ku doonayaan in loo banneeyo dhulka, si ay usoo degto safaaradda Talyaaniga.

- Advertisement -

Wuxuu tilmaamay dhulkaasi aysan laheyd cid gaar ah, ayna sidoo kale jirin cid ay kala hadlayaan, waxaana dhulka Kaasa Italia laga barakiciyay dadkii deganaa, iyadoona lagu bilaabay howlo burburin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qeylo-dhaanta maalmahaan kasoo yeereysay shacabka laga saaray dhulalkii ay deganaayeen gaar ahaan deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa,.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu cadaalad doonto garsoorka.

- Advertisement -

“Arrinta Gubadley iyo Waxar-Cadde ka taagan oo qolo walbaa siday rabto u hadaaqeyso qof walba oo sharci heysto ha dacwo tego, hana aado garsoorka, laakiin in bannaanka laga qayliyo wax macno ah oo ay soo kordhineyso ma laha” ayuu mar kale yiri Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweyne Xasan Sheekh ee la sheegay inay boob ku hayaan dhulkaas, wuuna beeniyay, isaga oo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts