HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka uu guddoomiyey MW Xasan?

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka uu guddoomiyey MW Xasan?

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka socda, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin, waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’isulwasaare xigeenka, Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Latest stories