HomeWararSacuudiga oo laba Arrin u ballan qaaday inay Dowladda Somalia ku garab...

Sacuudiga oo laba Arrin u ballan qaaday inay Dowladda Somalia ku garab siiyaan

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Axmed Binu Cabdicasiis.

Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalka, xilliyadii adkaa.

- Advertisement -

Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh ayaa Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya.

Axmed Binu Cabdicasiis ayaa xusay in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Latest stories