HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta tego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu ka hogaamiyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb kulamo kula qaadan doona Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka, isagoo kala hadli doona howlgalada.

- Advertisement -

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan ayaa shalay tegay Dhuusamareeb oo isugu jira senetaro ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, mahad Maxamed Salaan ayaa horey u tagay caasimadda Galmudug, waxaana haatan magaalada ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Dhuusamareeb kaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Latest stories