HomeWararAl-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Geedweyne, ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka qaraxyada lagu qaaday saldhiga ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo banaanka iyo gudaha saldhiga ku dhexmaray ciidamada halkaasi joogay iyo Shabaabka weerarka soo qaaday, isla markaana waxaa xilligaas aad loo maqlayay dhawaqa rasaas xoog leh.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu ka dhashay khasaaro ka duwan, inkastoo aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee jira, maadaama xilliga uu weerarka dhacaayay ay aheyd habeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gedweyne Garboloow ayaa la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay iska caabiyeen weerarkii ay ku qaadeen Shabaabka, ayna xaalada deegaanka ay tahay mid dagan, isla markaana ay wadaan howlgalo amni xaqiijin ah.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

- Advertisement -

Dhinaca kale howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milateriga dowladda Federaalka.

Latest stories