HomeWararKenya oo Dalka Haiti Ciidamo u diraysa iyo QM oo soodhaweysay tallaabadaasi

Kenya oo Dalka Haiti Ciidamo u diraysa iyo QM oo soodhaweysay tallaabadaasi

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dalabka dawladda Kenya ee ku aaddan inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo isku dhaf ah oo la dagaalama kooxaha budhcadda ah ee xasilooni darrada ka wada dalka Haiti, isla markaana ay dib u soo celiyaan kala dambaynta. Ra’iisal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa bishii […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dalabka dawladda Kenya ee ku aaddan inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo isku dhaf ah oo la dagaalama kooxaha budhcadda ah ee xasilooni darrada ka wada dalka Haiti, isla markaana ay dib u soo celiyaan kala dambaynta.

Ra’iisal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa bishii October ee sannadkii hore wuxuu soo jeediyey baaq degdeg ah oo ku aaddan, inuu u baahan yahay ciidamo caalami ah oo gacan ka geysta, soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta, isla markaana in la xakameeyo budhcadda.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha debedda ee dalka Kenya ayaa sabtidii ku baaqay in dalkiisu uu diri doono 1,000 askari oo boolis ah, kuwaas oo gacan ka geysta tababarida iyo taageerada ciidamada booliska ee Haiti, si ciidankaasi ay awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xarumaha hay’adda dawladda.

Tan iyo bishii July ee sannadkii 2021, waxaa sii kordhayey awoodda kooxaha budhcadda ah ee dalkaas ka hawlgala, ka dib markii la shirqoolay madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise, waxaana haatan lagu qiyaasaa inay gacanta ku hayaan 80% caasimadda dalkaas.

Waxaa sare u kacay dilalka, kufsiga iyo afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyada oo aanay ciidamada dalkaasi lahayn awood ay ku xakameeyaaN.

Latest stories